Welcome
Somali History
Jobs
Somali Presidents
Contact Us
Sport News
Somalia A Forgotten Issue
Somali Arts Gallery
NEWS  ABOUT SOMALIA
e-mail me

Sports News

AADEN QARDHAAS..CIYAARYAHAN UMMADDA SOOMAALIYEED ABAAL U HAYSO

 

 

Waxaan maanta rog rogeynaa baalasha taarikheed uu Aaden Qardhaas ku leeyahay Kubadda Koleyga Soomaaliyeed,isagoo lagu tiriyo mid ka mid ah Ciyaaryahanadda aysan ummada Soomaaliyeed waxqabadkisii iloobi doonin.
Halyey Aaden Qardhaas waxa uu ku dhashay magaaladda Xudur ee ka tirsan Gobolka Bakool sanadku markuu ahaa 1958dii,waxaana uu yaraantiisii aad iyo aad u jeclaa ka qayb galka Ciyaaraha gaar ahaan Kubadda Cagta iyo Koleyga,waxaana uu mar kastaba ka muujin jiray xirfad aad iyo aad u sareysa Ciyaaraha uu ka qayb gali jiray,laakiin walalkii oo lagu naaneyso TOOL ayaa waxa uu ku dhiiri geliyey in uu diiradda saaro Kubadda Koleyga madaama uu leeyahay hanaanka looga baahan yahay ka qayb galka Ciyaarta Kubadda Koleyga madaama uu ahaa nin dheer isla markaana uu Ilaah ku maneystay lixaad u samaxeysa in uu tiir u noqo kooxda uu u Ciyaaro.
Tartankii Degmooyinka Gobolka BAKOOL waxa koobabka intooda badan ku guuleysan jiray Degmadda Xudur taa waxa loo aaneynayaa xirfadda sare uu Ciyaaryahan Aden Qardhaas ka muujiyey ka qayb galka Ciyaarahaasi isagoo Xushmad aan la koobi karin ka helay Ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Bakool,waxaana ugu dambeyntii loo caleemo saaray in uu matalo Gobolka Bakool tartankii Goboladda Dalka oo sandkiiba mar la qaban jiray,waxaana halkaa Qardhaas ku soo bandhigay ciyaar farsameysan.
 

 

 

    

Halyey Aaden Qardhaas markii uu muujiyey ciyaar xirfadeedu ay sareyso ayaa waxa loo qaatay in uu ka mid noqdo Ciyaartoyda Kubadda Koleyga ee Naadiga Batroolka,arrintaa waxa ku dhiiri geliyey taageere lagu magacaabo BAAFO oo ka mid ahaa shaqaalaha Wakaaladda Batroolka ee Gobolka Bay,waxaana intii uu ku jiraya Ciyaaraha uu u Ciyaaraayey isla Naadiga Batroolka,waxaana ay Aaden Qardhaas iyo saaxiibadii ay awoodeen in ay ku guuleystaan Koobab badan ee Horyaal,Jenaraal Da'uud iyo Koobab munaasabado ah,waxaana mar kastaba guulahaasi lafdhabar u ahaa Aaden Qardhaas isagoo sheegay in uu mar kastaba jeclaa in ay garbihiisa buuxiyaan marka uu u ciyaaraayo Naadiga Batroolka Ciyayahanadda kala ahaa Bashiir Fox,Axmed Muse,Cusmaan Buruno,Shugri allaha u naxariistee,Saciid Faarax,Kalajaban iyo Cowke,waxaana uu sheegay Tababarayaashii soo maray intuu ka tirsanaa Naadiga Batroolka in ay kala ahaayeen Allaha u naxariistee Faarax Keynaan,Qaasim Dheganaas iyo Allaha u naxariistee Ibraahim Baruko,waxaana mar marka qaar markii aanan haysanin Tababare waxa dhici jirtay in aan annaga is tababari jirin.

   

 

 

Halyey Aaden Qardhaas mar aanu waydiinay Ciyaartii ugu xumeyd iyo middi ugu fiicneyd oo aan xasuustiisa ka go'in,ayaa waxa uu yiri.....Middi iigu xumeyd waxay aheyd Ciyaar aan la laheyn Kooxdii Kubadda Koleyga ee Madbacadda Qaranka,waxa Ciyaarta qeybteydii hore aan ka qayb galin aniga oo ah Qardhaas,Fox iyo Axmed Muse,waxaana aan Ciyaartii sedexdeynuba soo galnay qeybtii labaad iyadoo nalugu hoogaaminaayo dhibco aad u fara badan,waxaan soo gurnaba waxay akhiritaankii nooga guuleysteen hal dhibic,haddise qadar daqiiqado ah lagu dari lahaa waanu ka guuleysan laheyn,isagoo si wata xussustii ayuu waxa uu Yiri Ciyaayahan Qardhaas isagoo ka sheekeynaayo Ciyaartii ugu fiicneyd oo aan waligii iloobi doonin in ay aheyd mid ay la lahaayeen Kooxdi Kubadda koleyga ee LLPP tartankii kama dambeysta ee Horyaalka,waxaana daqiiqadihii hore ee Ciyaarta dhawacmay Ciyaaryaha Axmed Muse oo ka mid ahaa Tiirarka ay kooxda ku dhaarato,waxa kaloo sedex khalad oo isdaba joog ah loo taagay Basiir Fox oo isna ahaa Ciyaaryahan ay kooxda ku dhaarato,arrintaa waxay i gelisay welwel aad u wayn,laakiin waxa nasiib wanag noqday in Kooxda inteydii kale in ay muujiyeen dadaal dheeri ah kaa oo noo saamaxay in aan Horyaalkii ku guuleysano,waa farxad aan la iloobi karin.
Ciyaaryahan Aadem Maxamed Cabdi(Aaden Qardhaas) markii uu garoomadda lagu Ciyaaro ka muujiyey Ciyaar ay Xirfadeedu sareyso ayaa sanadku markuu ahaa 1978dii waxa loo magacaabay in uu ka mid noqdo Xulka Qarana Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga isagoo ciyaaro u tegay dalal Africaan ah,Carabta iyo Asiya,waxaana lagu qiyaasaa inta ciyaaro Caalami ah uu ka qayb galay in ay kor u dhaafayaan 60 Ciyaarood.
 

Sanadku waxa uu ahaa 1979,waxa dalka Soomaaliyeed lagu qabtay Tartankii Dugsiyadda Carabta,anigu waxaan ka mid ahaa kuwa lafdhabarka u ahaa Xulka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed,waxaana Xulka Qarankeyna ay muujiyeen Ciyaar aad iyo aad u sareysa,waxaana aanu ku guuleysanay Biladii Dahabka aheyd,Ummadda Soomaaliyeed ee ka soo qayb gashay waxay hal mar qaadeyn heestii caanka aheyd ee SOOMAALIYEY TOOSA ,TOOSA ISKU TIIRSADA,HADBA KIINII TAAG DARAN TAAGEERA WELIGIIN,illa iyo hadda waxa maskaxdeyda ay iloobi karin qiiradda ka muuqatay Taageerayaashii Soomaaliyeed,waxa si lama filaan ah iiga yimid ilmo qoysay laabteyda,waxa kaloo aan waligey iloobeynin Biladii maarta aheyd oo aanu ku guuleysanay Tartankii Afrika ee lagu qabtay magaaladda Muqdishu...Labadaa guul ...Xusuus macaan dheh.,waxaana aad iyo aad u jeclaa in marka aan Ciyaaraayo Xulka Qaranka ay garbaheyga buuxiyaan Ciyaaryahanadda kala ah Bashiir Fox,Axmed Muse,Nuradiin Saciid,Abukar Shiino,Axmed Dahir,Aweys Dahiye,Cabdulaahi Afweyne iyo Cumar Baarajab.
Aaden Qardhaas waqti xaadirkaan waxa uu kaaliye tababare ka yahay koox la yiraahdo TOXETH TIGERS BASKETBALL CLUB,waxaana uu dalka Ingriiska ka qaatay shahaadada ugu sareyso ee Kubadda Koleyga,waxaana kaloo Tababara dhalinyaro Soomaaliyeed si ay ugu dhiiradaan ka qayb galka Ciyaaraha lagalana dagaalamo waxyaabaha mustaqbalkooda wax u dhimi kara.
Halyey Aaden Maxamed Cabdi(Aaden Qardhaas) isagoo qiireysan ayuu Ummadda Soomaaliyeed ka codsaday in ay markaan u jeestaan xagga nabadda,wax kastanna ay ku dhameyaan wada hadal waayo waanu aragnay in uusan dagaal xal keeneynin .
Anigoo ah Tafatiraha CayaarahaSweden Maxamed Mukhtaar Sheek waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Halyey Aaden Qardhaas halgankii uu u soo galay daafacaadda Dalkiisii iyo dadkiisa taa oo ay Ummadda Soomaaliyeed abaal kaaga hayso.
 
 
                                              Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh
 


 

 

 

 


   

 

Abdisalan abdulqadir Ibrahim  (Cadeey) wiil Soomaaliyeed oo maanta Kooxda Man City u saftay  koobka FA

 

 

 

Ciyaar aad u wanaagsan oo galabta si toos ah looga daawanayay Televisionada caalamka oo dhan iyo dalka Ingiriiska oo ay dhaxmareysay kooxaha kale ah Manchester City iyo Scunthorpe koobka FA dalkaan ayaa waxaa markii ugu horeysay galabta lagu dhax arkay Wiil Soomaaliyeed oo la yiraahdo Abdi Salaan Ibraahim Cadaay, kazoo watey funaanada lambarkeedu yahay 48 islamarkaana ka mid ahaa ciyaartooyda kooxda Man City.

Kooxda Man City oo ah koox weyn islamarkaana ay u dheelaan laacibiin heer Qaran ah ayaa waxaa leh hantiile Carab, ka mid noqoshada kooxdatan iyo inaa hadane noqoto 11 ciyaaryahan ee lagu bilaabayo ciyaarta ayaa  ah wax aan sahlanayn, marka aad milicsato heerka kooxda ka joogto horyaalka dalka Ingiriiska oo aan oran kara mid ka mid ah horyaalada caalamka ugu xiisaha badan.

Cabdi Salaan Ibraahim Caddaay ayaa noqonaya Soomaaligii ugu horeeyay ee ka ciyaara dalkan iyo koobka FA oo ah koobabka caalamka ugu faacaweyn islamarkaana ugu caansan.

Run ahaantii magaalada London bahda isboortiga oo meelo kale duwan ka joogay magaalada ayaa dhamaantood ila soo xariirey islamarkaana aad ugu faraxsan inay arkaan wiil Soomaaliyeed oo garoonka ka dhaxmuuqda, iyadoo wariyaha ciyaarta sheegayay uu xusay inuu yahay Ciyaaryahan ku dhashay dalka Soomaaliya ciyaaryahan C/salaam Yare

C/salaam oo numberka 48 xirta ee kooxda MAN CITY iyo Ayub Da’ud oo xirta isna number 47 ee kooxda Juventus ayaa waxaa oran karaa kuwo u noqon kara  tusaale ay kaga daydaan(Rol Model ) dhalinyrada Soomaaliyeed.

Kooxda Man City ayaa kooxda Scunthorpe ayaa waxay ciyaartii ku soo dhamaatey in kooxda Ibrahim ay ku badiso 4 goal halka kooxda kalane ay keentey 2 goal,

Markii ciyaarta dhamaatey ayaa waxaa wareysi bixiyay macalinka kooxda Man City Roberto Mancini oo u dhashay dalka Talyaaniga, muxuu ka yiri ciyaarta iyo ciyaartooyda cusub ee kooxdiisa (sii aqri xaga hoose).

 Waxaa  la sadaalinayaa mustaqbalka dhaw in Soomaali badan lagu arki doono garoomada waawayn iyo kooxaha ka dheela madaama ay u soo gudbeen ciyaartooy da’yar Soomaaliyeed heerka kowaad ee kooxaha wiilashan halka waalidiinta Soomaaliyeedna looga fadhiyo inay caruurtooda gacan ku siiyaan sidii ay ku gaari lahaayeen heerar sar sare, bahda isboortiga iyo waalidiinta da’yarta Soomaaliyeed ee ku nool dalalkaan  waxaan jeclaan lahaa ku arko iyagoo xiran lambarada 48 iyo 47 oo ay ku qoran yihiin Ibrahim iyo Ayub si dhiirigalin ugu noqoto laacibiintaan cusub anagana ay noogu noqoto wax aan ku faano oo aan ku dhiirigalino waayo waxaan arkaa Soomaali badan oo ku dalkaan oo xiran maaliyado kale duwan oo hadane ku qoran yihiin laacibiin aan Soomaali ahaan, kuwaasoo qaarkood Afrikaan yihiin, marka maanta wixii ka dambeeyo balanteenu ha noqoto inaa xirano Lambarka iyo magaca wiilasha Soomaaliyeed waayo sida runtii ah magacii Soomaaliyeed ayay kor u qaadayaan anagana iyaga kor u qaadaynaa si aan bulshada aan la joogno u tusno inaan leenahay ciyaaryahano magac leh oo ka dheela Horyaalada caalamka ugu adag sida dalkaan England iyo Italy.

Waxaan leenahay hambalyo iyo guul wacan insha Allah, waxaana ka filaynaynaa hadii ay meel fiican sii garaan inay Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan kubadda cagta dalkeena gacan weyn siin doonaan mustaqbalka sida ay yeleeyeen ciyaarayahanada kale,waxaa si gaar ah hambalyo